Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar oo Xilka laga Qaaday.

0

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Sheekh Xuseen  ayaa xil ka qaadis ku sameeyay  Taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar Maxamed Sheekh Cumar.

Waxaana loo Magacaabay xilkaasi  Aadan Kuti iyadoona Warar kala duwan ay ka soo baxeyso Xil ka qaadista Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Warar ayaa sheegaya in Taliyaha xilka laga xayuubiyay uu Maxaabiis ku dalbaday Sarkaal Xabsiga Dhexe ka tirsan oo 2 Xidigla ah kuwaas oo ku xoomay islamarkaana jir dil baahsan kula dhaqaaqay .

Mana Jiro  wax war ah oo Taliyahaasi Xilka laga xayuubiyay ee Maxamed Sheekh Cumar uu ka soo saaray xil ka qaadistiisa.

Jeneraal Sheekh Xuseen ayaa dhawaan loo Magacaabay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed kadib markii lagu bedelay Sareeye Guud Bashiir Goobe oo xilkaas horay u hayay.

Waxaana xil ka qaadista Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar ay ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaan Madaxweyne Farmaajo uu guddi u saaray in ay soo indha indheeyaan Kiisaska Cadaalad darrada ugu xiran Xabsiga dhexe ee Xamar.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.