Gudoomiyayaashii Degmooyinka ee Xilalka laga qaaday oo ay ka maqan tahay Xuquuq.

0

Guddoomiyeyaashii degmooyinka Gobolka Banaadir ee dhowaan xilka laga qaaday ayaa la sheegay inay ka maqan tahay xuquuq, iyagoo ka sugaya Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir inuu bixiyo xuquuqda ka maqan.

Illaa 14 Guddoomiye oo 23-kii bishii hore mar kaliya xilka laga qaaday ayaa afar bilood oo mushaar ah iyo gunno la siin jiray ilaaladoodii, waxaana arrintan ay kala hadleen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed.

Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa sheegay in Guddoomiye Taabid uu u balan-qaaday in xuquuqdooda ay heli doonaan, isla markaana loo saari doono guddi arrintan, lana xalin doono.

Hase ahaatee waxay ka cabsi qabaan inay ku dhacdo xaalad qawda maqashii waxna ha u qaban, sidaasna ay xuquuqdooda ay ku waayaan.

Si kastaba ha ahaatee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii xafiiska la wareegtay, waxay ku howlneyd magacaabis iyo is bedel, taasoo weli socoto, boqol maalmood oo ka soo wareegatay markii Madaxweynuhu xafiiska la wareegay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.