Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in Al-Shabaab lagu dilay duqeyn

0

Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday deegaan ku dhow Garbahaarey lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo la socday labo gaadiid dagaal.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday gaadiidka ay wateen Al-Shabaab, oo mid ka mid ah uu saarnaa qori kuwa lidka diyaaradaha, halka midka kalena uu dul banaan ahaa.

Waxaa uu sheegay in 17 dagaalyahan oo ay ku jiraan Saraakiil lagu dilay, isagoo xusay in duqeynta ay fuliyeen dowladaha saaxibka la ah Soomaaliya.

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa loo maleynayaa inay duqeynta geysteen, balse si rasmi ah looma cadeyn karo warkan.

Gobolka Gedo ayaa waxaa ku sii kordhayay duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha dagaal, iyadoo bishii hore la duqeeyay deegaan ku dhow Ceel Cadde.

Waxgaradka Gobolka Gedo ayaa ku eedeeyay Ciidamada Kenya inay beegsadaan xoolaha iyo dadka ku sugan gobolkaas, xilliyada ay duqeymaha ka fulinayaan

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.