Qaabka Loo Qoro Wararka, Faallooyinka iyo Ra’yiga

0

“Internet-ka waxaad beryahaan ku arkeysaa qoraalo, faallooyin iyo warar ay adag tahay in la fahmo, sababtoo ah waxaa khaldan qaabka, naxwaha iyo higgaadda lagu qoray, taas oo mar-mar aad ka shakineysid in aysanba Af-Soomaali ku qornayn”. Hadalkaas mid u dhigma waxaa yiri walaal Soomaaliyeed oo aad ujeclaan lahaa in uu arko qoraallo arrimahaas toosinaya ama saxaya. Sababtaas ayaa igu dhalisay in aan qormadan u soo bandhigo akhristayaasha iyo qorayaasha SomaliTalk.com. 

Qormadan waxaan kusoo bandhigayaa qodobbo haddii la raaco ay qoraallada, wararka iyo faallooyinku noqonayaan kuwo xiisa u yeelan kara akhristaha. Waana kuwan qodobbada aan kusoo ururiyey nuxurka qoraalka:

1- Qoraalka u samee cinwaan soo jiidasho leh.

2- Qoraalku ha noqdo mid si fudud loo akhrin karo…. kadhig qoraalka mid fudud. Adeegso weero (ama tuduc) gaagaaban oo macne ahaan isku xiran.

3- Xarafka u horreeya qoraalka ama tuduc kasta (ama baaragaraaf kasta) ha noqdo xaraf weyn, waana in baaragaraafku ku dhammado joogsi ama dhibic (.). Marka weero isku xiran dhammaadaana kusoo gabagabee joogsi (.). Sidoo kale ha ilaawin meelaha ku habboon hakad (,), laba-dhibcood (:), iwm. Ufiirso labada tusaale ee soo socda sida ay muhiimka u tahay in la hubiyo meesha hakadka la gelinayo:

(a): Waxaan doonayaa in aan maqaal kusoo qoro wargeyska kalluumaysiga oo qayb ka ah barnaamijka waxbrashada dalka….
(b): Waxaan doonayaa in aan maqaal kusoo qoro wargeyska, kalluumaysiga oo qayb ka ah barnaamijka waxbrashada dalka….
[Tusaalayaashaasi waxay muujinayaan in meesha hakadka la dhigay ay bedeleyso macnaha guud ee qoraalka. Sidaas darteed qoraalka ha ka ilaawin joogsiga iyo hakadka.]

4- Xarafka ugu horreeya ee magaca (sida magac qof, magaalo, dal ama qaarad) waa in uu noqdo xaraf weyn. Tusaale ahaan haddii magaca qofku uu yahay “quwaax qurac qansax” waa in la qoro “Quwaax Qurac Qansax”, sidoo kale haddii magaca magaaladu uu yahay “jeerin”, waa in la qoro “Jeerin”. Ufiirso: magacyada dalalka soomaaliya, jabuuti waa in loo qoro: Soomaaliya, Jabuuti.

FG: Waxaad mararka qaar arkeysaa qoraal xaraf kasta uu yahay mid weyn, sida “Waxaan Qorayaa Maqaal Shalay, Maanta iyo Berri”. Arrintaasi marka keliya oo la samayn karo waa cinwaanka qoraalka. Laakiin qoraalka dhexdiisa looma baahna in xaraf kasta kelmedda ugu horaysa la weynaysiiyo. Haddii sidaas la yeelo, “Oo Kelmed Kasta Oo Qoraalka Ah La Weynaysiiyo” waxayn hoos u dhigtaa xawaaraha akhrinta qoraalka. Sidaa daraadeed qoraalka dhexdiisa kelmed kasta ha ku bilaabin xaraf weyn, wixii aan ka ahayn arrimihii aan kor kusoo xusnay, sida bilowga qoraalka, kelmed muujineysa magac, iyo kemeda ka dambaysa joogsiga.

5- Sadarka bannaan ee u dhexeeya laba baaragaraaf waxa uu qoraalka ka dhigaa mid markiiba la fahmi karo, sidaas darteed waxaa haboon in aan taas la yaraysan.

6- Weeraha iyo kelmedaha la adeegsanayo waa in ay noqdaan kuwo aad looga fiirsaday, oo si hagaagsan la isu raaciyey. Ka feker in erayada aad adeegsatey si kale loo fahmi karo ama ay macne kale leeyihiin, taas oo ay dhici karto in ay qoraal kaaga ka dhigto mid ka tarjumaya ujeeddo ka duwan tii aad ugu talo gashay.

7- Higgaadda oo khaldan waa waxa ugu weyn oo qoraalka ka dhiga mid aan lasii wadin akhriskiisa, sidaas darteed ka taxadar higgaadda. Marka aad dhammaysid qoraalka inta aadan dirin ama daabacin mar labaad akhri si aad u saxdid wixii higgaadda ama macne ahaan khaldan.

8- Iska ilaali xarfaha lasoo gaagaabiyey, kuwa aad adeegsatidna si qeexan u sharax. [Tusaale: Mashruuca Quwaax Qurac Qansax (QQQ) waxaa laga hir geliyey xaafadda Jeerin. Waxaa kale oo mashruucaas QQQ hadda dalbaday xaafadda aagga Sarmaan.] – Ufiirso: QQQ marka koowaad ayaa la qeexay sidaas daraadeed marka dambe oo la qoro waxaa la qorayaa xarfihii oo soo gaabsan, akhristuhuna markaas waa fahmayaa waxa loola jeedo QQQ.

9- Ku xisaabtan qoraalada aad ku qortid Internetka in ay akhrisan doonaan dad aan adiga wax aqoon ah kuu lahayn. Ka feker qof aan aqoon kuulahayn oo maalinta koowaad fahmi waayey qoraal kaaga, waxaa dhicikarta in uusan dib dambe u akhrin qoraalkaaga halkaasna aad ku weydid wax qoraalladaada xiiseeya.

10- Haddii aad daabacaysid qoraal uu xanaaq ku dheehanyahay, inta aadan daabacin biririf ka qaado wax qorista, cabbaar kaddib kullaabo qoraalkii adigoo akhrinaya inta aadan dirin, waxaad arki doontaa in aad waxbadan ka bedeli doontid qoraalkii hore ee aad carada ku qortay.

11- Ka fogow erayada wax u dhimaya shakhsi bini aadam ah; haddii aad qof ku sifayneysid waxa uu yahay had iyo jeer xusuusnow caddaalada. Hana ka weecan runta, qoraalkana ka ilaali kelmedaha xambaarsan dareenka waqtiga dhow ee haddii aad ka fiirsan lahayd aad si kale u cabiri lahayd.
[Walaal Soomaaliyeed oo akhriyey qoraalka markii aan daabacay ayaa jeclaan lahaa in aan ku daro erayadan:  Waxaan kaloo beryahaan dambe qoraallada qaarkood ku arkaa hadalo colaadeed ama nacayb, taas ayaan kugu darsan lahaa. Mar hadii wax la qorayo waa in aan shaqsi ama koox wax loo dhimin, si caddaalad ahna waa in wax loo sheegaa inta la awoodo oo Illaahay kula og yahay.]

12- Qoraalku ha lahaado ujeeddo uu ku socdo: Qiyaas haddii aad waqti badan ku bixisid qoraal oo gabagabada qoraalkaas aad ogaatid in uusan wax ujeedo ah lahayn, sow waqtigaagii ma khasaarin — haddaba taas akhistayaashaada ka ilaali, oo qoraalkaaga ka dhig mid leh ujeedo bilow ilaa dhammaad isku xiran.

13- Tixraacu waa muhiim: Ha ilaawin in aad xustid meelaha aad soo xigatey, buug, wargeys, website, iwm.  Tix-geli xuquuqda qoraagii asalka ahaa , hana daabacan qoraal aadan xaqiisa sheegin.
[Xuquuqda qoraalada ka akhri: www.somalitalk.com/copyright ]

14- Qoraalku haddii uu dheer yahay waxaa habboon in cinwaanno yaryar oo kala qaybiya loo sameeyo, ama qoraalka laga dhigo mid dhawr qaybood ah si aan loogu daalin akhriskiisa.

15- Warku waa wax dhacay oo laga war-bixinayo; Faalladu waa wax-jira oo la falanqaynayo; Ra’yiguna waa fikrad u gaar ah qof ama koox oo lagu cabirayo aragtidaas gaarka ah. Haddaba waxaa habboon in aan fikrad laga dhigin war. War-kana waa in aan loo leexin sidii ladoono, ee waa in loo sheegaa sida uu u dhacay.

16- Wararku waa in ay ahaadaan kuwo sugan oo biyo kama dhibcaan ah, isla mar ahaan taana xaaladda laga warbixinayo ka eegaya dhinac kasta oo warkaasi saamayn ku yeelan karo. Waa in la cadeeyaa meesha warka laga soo xigtey. Haddii qofka warka laga xiganayaa codsado in aan magaciisa la sheegin sababo jira oo ay ugu horeyso ammaanka qofkaas awgeed, waa in sidaas lagu caddeeyaa qoraalka. “Marka qof hadalkiisa toos loo soo xiganayo” waa in la muujiyaa in uu qofkaasi hadalkaas yiri. Waa in aan qof hadal uusan dhehin laga sheegin.

17- Haddii khalad la ogaado markii la daabacay ka dib, waa in markiiba la saxaa khaladkaas, akhritayaashana lagu baraarujiyaa khaladkaas dhacay ee hadda la saxay.

18- Haddii aad qoraalka u adeegsatid erayo fac-weyn [ama qadiimi ah], ama erayo aan si fudud loo fahmi karin, waxaa markaas habboon in aad raacisid eray bixin aad ku sharaxeysid waxa aad ula jeedid kelmedaha aad adeegsatey.

19- Ka taxadar in aadan isku khaldin xarfaha KH & Q. Waayo waxaa dhowaan soo baxay dhibaato weyn oo qorayaasha Soomaalida ka haysta xarfaha (KH & Q), taas oo aad arkeysid meeshii laga rabey “KH” in la qoray “Q”, sidoo kale meel laga rabey “Q” in la qoray “KH”. Tusaale ahaan meeshii laga qori lahaa “Akhri” ayaad arkeysa in la qoray “Aqri” – Sidaas daraadeed hubi xarfaha sida fudud la isugu khaldi karo, gaar ahaan “Q & KH”.

20- Ka taxadar in aad isku khaladid shaqallada OO iyo UU. Waxaa beryahan dambe qoraallada Afka Soomaaliga lagu arkay meel loo adeegsan lahaa “OO” in qorayaashu ay ku qoraan “UU”, sidoo kale meel lagu qori lahaa “O” in ay ku qoraan “U”, sidaasna ay kelmeddii macneheedu isu bedelo, ama la fahmi waayo waxa looga jeedey. Tusaale ahaa: “Guul”… waxaad arkeysaa in loo qoray “Gool”. Sidaas daraadeed hubi shaqallada loo adeegsanayo qoraalka.

21- Ugu dambayn, ma jeceshahay in dadku u arkaan qoraalkaagu in uu yahay mid nidaamsan oo la fahmi karo, taas waxaa laga dheehan karaa ama laga arki karaa qaabka aad wax u qortid. Haddaba ku dadaal in qoraalkaagu noqdo mid faa’iido u leh akhristaha, isla mar ahaantaana naxwe ahaan iyo higgaad ahaanba sax ah oo weliba si fudud loo akhrin karo, isla markaana si nidaamsan u qoran.

Si aad u fahamtid ujeedadii aan ka lahaa qormadan, fadlan akhri labada qoraal ee hoos ku qoran, kuwaas oo mid kamid ah uu yahay qoraal nidaam wanaagsan u qoran, kan kalena yahay qoraal jacbur ah — Waxaa cad in labadaas qoraal oo isku wax ka hadlaya ay ku kala duwan yihiin qaabka loo soo bandhigay. 

Qoraal Habaysan / Nidaamsan Qoraal aan habaysnayn/Nidaamsanayn
Khayraadka Dalka Soomaaliya
WQ. Magaca Qoraaga
Email: emailka qoraaga
Taariikh: March 8, 2003

Hordhac:

Soomaaliya waa dal kuyaal geeska Afrika, waxaana deris la ah Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Dhanka badda waxaa deris kala ah Yaman. Dhererka xeebta Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 3332km.

Khayraad:

Khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya waxaa kamid ah: Xoolaha nool, beeraha, kalluunka, macdanta, iwm.

Gabagabo:

Khayraadka baaxadaas kor ku xusan leh dadka Soomaaliyeed sidii la rabey ugama faa’iideystaan, waxaana ugu weyn sababta aan looga faa’iideysan waa colaadda.

Wq. Magaca Qoraaga

ISHA/TIXRAAC:   Meeshii laga soo xigtey
FAAFIN: Meesha lagu faafiyey
AFEEF: Haddii loo baahdo afeef

-Dhammaad-

khayraadka dalkaa Sooomaaaliyasoomaaliya waaa daal kuyaal geeska Afrikaas waxaana deris la ah Jabuuti Itoobiya  Kenya  dhanka badda waxaa deris kala ah Yaman  hhererka xeebta Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 3332km
hayraadka daabiiciga ah ee soomaaliya waxaa kamid ah: xoolaha nool beeraha kalluunka iyo macdanta.
khayraadka baaxadaas kor ku xusan leh dadka Soomaaliyeed sidii la rabey ugama faa’iideystaan, waxaana ugu weyn sabta aan looga faa’iideysan waa colaadda.

 

Qoraaga halkan magaciisa.

Ugu dambayn, waxaan rajaynayaa in qoraalkani faa’iido u yeelan doono qof kasta oo raba in uu war, maqaal, aragti/ra’yi, ama faallo ku qoro shabakadaha Internet-ka ama wargeys-yada. 

Wixii talo iyo tusaale ah oo la xiriira qormadaan, fadlan iigu soo hagaajiya cinwaanka hoose.

WQ. Maxamed Cali

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.