Gabdho Katirsan qoska reer boqor oo la maxkamadeenaayo

0

Shaykha Xamda Al-Nahyan iyo todobadeeda hablood ayaa kiraystay dabaq dhan oo ka mid ah hudheel kuwa raaxada ah waxaanay degenaayeen muddo sideed bilood ah sannadkii 2008-dii.

Waxa ay shaqaale ka badan 20 qof kala tageen Imaaraadka Carabka waxaana lagu eedaynayaa in ay shaqaalahaa ku hayeen duruufo adoonsi u dhaw.

Shaqaalaha dacwoonaya ayaa sheegay in loo diidi jiray in ay ka baxaan hudheelka oo lagu khasbi jiray in ay cunaan hambada amiiradaha.

Dumarkan amiirada ah waxa maxkamaddu ku socotaa iyagoo ka maqan Brussels waxaana sidoo kale dawcadda lagu soo oogay kula jira nin Hindiyad ah oo shaqaalaha u soo qoray.

Hadii lagu helo dambiyadaa lagu soo eedeeyey waxay mudan doonaan in lagu xukumo in ay bixiyaan boqolaal kun oo Euro oo mag dhaw ah iyo xataa xabsi.

Laakiin dadka u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in aanay ka suurto geli karin dalka Imaaraadka in ay aamiradahaa u dhiibaan Belgium-ka ama lagu xidhoba dalkooda gudihiisa.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.