Ahlusunna oo Xilalkii ka qaaday Saraakiil Ciidan

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb oo Xarun u ah Maamulka la magacbaxay Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ayaa sheegaya in Xilalkii laga qaaday Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Maamulkaas.

Saraakiisha Xilalka laga qaaday waxaa kamida Taliyaha Guud Ee Ciidamada Ahlusunna Macalin Mascuud Maxamed Warsame iyo C/nuur Maxamed Xuseen Qoryooley oo ah Afhayeenka Ciidamada Ahlusunna iyo Saraakiil kale.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xilka qaadista Saraakiisha ka tirsan Ciidanka Ahlusunna ay Sababtay Xiisad ka dhalatay Xilka qaadista,waxaana la sheegay in Saraakiisha Xilalka laga Xayuubiyay ay Ciidamo badan la tageen Guryo ay ka dagan yihiin Magaalada Dhuusamareeb.

Illaa hadda lama Oga Sababta Xilalka looga qaaday Saraakiisha Ciidamada Ahlusunna,iyadoo Xariir aan la sameynay Mas’uuliyiinta Maamulka Ahlusunna aysan noo suuro galin in aan helno.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.