Taliyihii Hore Ee Nisa Kama Hadlaayo Amaanka Magaaladda Muqdisho

0

Generaal Gaafow ayaa wax ka weydiiyay amaanka magaalada Muqdisho ay kusoo bateen qaraxyada iyo dilalka qorsheesan, waxa uuna Gaafow si sarbeeb ah Wariyaha ugu sheegay in uusan ka hadleyn arimahaasi.

Generaal Gaafow oo Su’aasha la weediiyay aheed ” Taliyihii Nabad sugida soo aheed in Mudo ah Muqdisho ayaad joogtaa kawaran Amniga magaalada? waxa uuna ku jawaabay ” arintaas kama hadlayo Nin naag uu furay kama sheekeeyo” .

Waxa uu sheegay Generaal Gaafow in uu jecel yahay in dalka Nabad noqdo oo Muqdisho nabad ahaato, waxa uuna tilmaamay in uu diyaar u yahay in waxii karaankiisa ah la qabto dowlada , isagoo tilmaamay in hada howluhu meel fiican marayaan shaqo fiicana la qabanayo.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay sii xumaanayay, waxaana wali magaalada ka dhacaya qaraxyo Ismiidaamin ah iyo kuwa gaadiidka la isugu xiro iyo sidoo kale dilal qorsheesan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.