Ra’iisal Wasaare Kheyrre oo udhoofay Dalka Qadar

0

Xasan Cali Kheyrre Ra’iisal wasaaraha Xukumadda Soomaaliya iyo Qaar ka mid ah Golahiisa ayaa saakay uduulay dalka Qadar waana safarkii ugu horeeyay ee uu ku aado dalka dibidiisa.

Warar aan helnay ayaa sheegay in Socdaalka Ra’iisal wasaaraha uu yimid kadib casuumaad uu ka helay madaxda dalka Qadar waxayna kawada hadli doonaan arimo quseeya Soomaaliya.

Waxyaabaha laga hadli doono waxaa ka mid ah Amaanka, iskaashiga Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Arimo kale.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali kheyrre ayaa Safarkaan uu maanta dalka uga baxay waxa uu noqonaya Safarkiisii ugu horeeyay ee dalka dibidiisa tan iyo markii loo magacaabay Ra’iisal wasaaraha Dalka Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.