Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa oo muqdisho ku soo laabtay.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C//llahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa saakay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib markii uu soo dhamaaday Shirkii Arimaha Soomaaliya ee London.

Madaxweynaha ayaa Wafdigiisa waxaa ka mid ah Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada Dalka iyo xubno ka tirsan Wasiirada iyo Baarlamanka Xukumadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo la hadlay Saxaafadda ayaa u sheegay in uu guul ku soo dhamaaday Shirkii london ee Soomaaliya Natiijada ka soo baxdayne ay dhamaanteed dan u tahay Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkii 8aad ee uu ku aado dalka dibadiisa waxa lagu wadaa in uu dhawaan uga baxo dalka dibidiisa gaar ahaan dalka masar.

Madaxweynaha ayaa Casuumaad ka helay dhiggiisa dalka masar Cabdi fataax Siisi waxayna kawada hadli doonaan xariirka labada dowladood.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.