Deg Deg Heegan Lagaliyay Ciidanka Amaanka Ee Magaaladda Muqdisho

0

Mas’uuliyiinta hay’adaha amaanka ayaa heegan galiyay ciidamada Amaanka, iyad oo la fulinayo amar ka soo xarunta Madxatooyada.

Ciidamada amaanka ayaa la geeyay inta badan isgoysyada magaalada Mogdisho, halka gaadiidka ciidanka la dhigay goobaha aadka u mashquulka badan oo ay ku badan yihiin dadka.

Ciidamada qaar ayaa la dhigay waddooyinka gala xaafadaha & kuwa ka soo baxa, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in ciidamadaasi lagu sii diyaarinaayo waddooyinka ka hor inta aysan dhalan bisha barakeysan ee Ramadaan.

Hay`adaha Amaanka ayaa sidoo kale la sheegay inay ka war heleen in Al-Shabaab ay damacsan`yihiin weeraro ismiidaamin iyo mid toos ah oo ay ka geystaan magaalada Muqdisho, gaar ahaan Goobaha ay ku badan yihiin shacabka iyo madaxda dowlada, Al-Shabaab ayaa xiliyada ay bisha barakeysan ee Ramadaan weeraro culus ka geysta Muqdisho.

Dowlada Federaalka Somalia ayaa horay u sheegtay inay ka hortageyso amni darada ka jirta Magaalada sida xaaladaha qatarta ah & Qaraxayada

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.